Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa difaacay ciidamada Turkiga ee ku sugan dalka Qatar, isagoo sheegay in ciidamadaasi ay qeyb ka qaadanayaan Amniga iyo xasiloonida Khaliijka.
Erdogan oo booqasho ku tegay dalka Qatar ayaa farriin u diray dalalka joogitaanka ciidamada Turkiga ee dalka Qatar ku tilmaamay halis ee Imaaraadka, Sacuudiga iyo Masar, wuxuuna yiri: “Waa inaysan cidna dhibaato u arkin joogista ciidamada Turkiga ee ee Khaliijka.. marka laga reebo dhinacyada doonaya inay fowdo ka dhacdo Gobolka” .
Turkiga ayaa ciidamo ka badan 5000 u diray dalka Qatar, kadib markii dalalka isbaheystay ee Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn ay xiriirka u jareen dalka Qatar, kuna soo rogeen go’doomin, iyadoo markaas laga War helay qorshe milateri oo lagu qabsanayo dowladda yar ee Qatar.
Dalalka Qatar iyo Turkiga ayaa heshiisyo fara badan oo milatari iyo ganacsi kala saxiixday, waxaana ay noqdeen laba dal oo isbaheysi leh, iyadoo Mareykanka saldhigga ugu weyn Khaliijka ku leeyahay dalka Qatar.

Madaxweyne Erdogan wuxuu ku sheegay wareysiga uu siiyey barta Peninsula ee dalka Qatar in cidamada Turkiga aysan sii joogi doonin dalka Syria isla marka ay nabad ka dhacdo, isla markaana ay taageeraan nabadda iyo xasiloonida dalka Libya.