Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qoraaga caanka ah ee Sacuudiga Jamal Kashoqgi ee lagu waayey Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istnabuul.
Madaxweynaha Turkiga oo saxaafadda la hadlay kadib khudbad uu ka jeediyey shir uu lahaa xisbigiisa AK Party ayuu sheegay inuu si shaqsi ah ula socdo kiiska maqnaanshaha Qoraaga Sacuudiga ah oo ay saaxiibo ahaayeen, isagoo intaas ku daray inuu aad uga xun yahay waxa dhacay iyo in dalkiisa Turkiga lagu waayo.
Madaxweyne Erdogan ayaa caddeeyay in wixii kasoo baxa baaritaanka socda ee Qoraaga la waayey ay u soo bandhigi doonaan caalamka wax kastoo ay noqoto natiijada, isagoo ka gaabsaday inuu ka hadlo faahfaahinta kiiskan oo qabsaday warbaahinta caalamka.
Saraakiil amniga Turkiga ka tirsan ayaa saxaafadda u dusiyey war ku saabsan in Qoraaga Jamal Kashoqgi, lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, meydkiisana dibadda looga saaray, taasoo ay beeniyeen Sacuudiga.