Madaxweynaha wadanka Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa booqasho rasmi ah oo qaadan doonta maalmo wuxuu ku bixin doonaa afar dal oo Afrikaan ah.
Dallaka uu booqanayo Madaxweynaha Turkiga ayaa kala ah: Algeria, Mauritania, Senegal iyo Mali, waxaana uu kulamo la qaadan doonaa madaxda wadamadaas uu kala hadli doono arimo kala duwan oo laba dalka ay dan ugu jirto.
Safarka Erdogan ayaa ka bilaaban doona Algeria oo uu tagayo 26ka bishaan, waana markii labaad oo madaxweyne Turki ah uu tago wadanka Algeria, dhankale wadamada Mauritania iyo Mali ayaa noqon doonta booqashada uu ku tagayo tii u horeysay ee Madaxweyne Turki ku tago dalalkaas.
Bishii December 2017 ayay ahyad markii Madaxweynaha Turkiga uu booqasho afar cisho qaadatay ku kala bixiyay dalalka Sudan, Chad iyo Tunisa, tan iyo sanadkii 2004 Erdogan ayaa booqasho ku tagay 24 dal oo Afrikan ah, kuwaasoo intooda badan heshiisyo labo geesood uu la soo saxiixday.