Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa maanta booqasho uga bilaabtay dalka boqortooyada Sacuudiga.
Socdaalka Erdogan ayaa qaadan doona labo maalmood, wuxuuna maanta gaaray Sacuudiga, isagoo sidoo kale tegi doona dalalka Kuwait iyo .
Ujeedka madaxweynaha Turkiga ayaa ah inuu xalliyo khilaafka u dhaxeeya Qadar iyo dalalka deriska la ah oo muddo laba bil ku dhowaad socda.
Isagoo hadlayay intii aanu duulin ayuu ku eedeeyay dhinacyo caddow oo uusan carrabaabin inay xiisad ka dhex abuurayaan waxa uu ugu yeeray walaalaha gobolka Khaliijka.
Bishii June, dalalka Sacuudi Carabiya, Isu tagga Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Masar ayaa xiriirka u jaray Qadar, iyagoo ku eedeeyay inay taageerto argagixisada ayna xiriir la leedahay Iiraan.
Dadka falanqeeya arrimaha gobolka ayaa sheegaya in rajada madaxweyne Erdogan ee ah inuu wax xalliyo ay aad u yar tahay sababtuna ay tahay inuu la saftay Qadar.