Madaxweynaha Turkiga Rajeb Tayyip Erdogan ayaa dhexdhexaadin ka dhex bilaabay dalalka Khaliijka iyo dalka Qatar.
Kadib tallaabadii ay qaadeen dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar oo ay xiriirka ugu jareen dalka Qadar ayaa waxaa soo dhex galay madaxweynaha Turkiga oo xiriiro la sameeyay madaxda dalalkaasi.
Turkiga ayaa xiriir wanaagsan la leh dalka Qatar, waxay kaloo xiriir fiican la leedahay dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka. Ra’iisal wasaare ku xigeenka Turkiga Numan Kurtulmus ayaa laga soo xigtay in kulan ay yeesheen golaha wasiirada Turkiga lagu go’aamiyay inay dhex galaan xiisad ka taagan Khaliijka.
Madaxweynaha Turkiga ayaa telefoonka kula hadlay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, wuxuuna la xiriiray Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis iyo Amiirada Qatar iyo Kuweyt.