Madaxwyenaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa amar ku bixiyay in diyaarad caafimaad oo gargaar degdeg ah ku qalabeysan oo diro magaalada Muqdisho.
Diyaaradan oo ah kuwa caafimaadka ayaa Muqdisho u tegi doonta inay ka qaado dadka dhaawacoodu liito ee wax ku waxyeeloobay qarixii weynaa ee shalay ka dhacay Muqdisho, iyadoo ay la socdaan dhaqaatiir caafimaad oo la tacaalaya dhaawacyada.
Turkiga ayaa noqday dalkii ugu horeeyay ee ka jawaaba codsigii dowladda Soomaaliya saacado gudahood, waxaana tani ay muujineysaa in madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu yahay shaqsi u dhow umadda Soomaaliyeed.
Sida ay shaacisay saxaafadda Turkiga amarka madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa la filayaa in la fuliyo saacado kooban gudahood.
Wadani