Madaxweynaha Turkiga ayaa ku gacan souray hadal kasoo yeeray lataliyaha madaxweynaha Mareyknaka ee ahaa in dalkiisa uu difaaco dagaalyahanada Kurdiyiinta ee Suuriya.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in warbixinta la taliyaha haya dhanka amniga ee madaxweynaha Mareykanka John Bolton ay tahay mid aan la aqbali karin.
Mr . Bolton ayaa ku sugnaa magaalada Ankara si uu Turkiga kaga xaqiijiyo badqabka dagaalyahanada Kurdiyiinta ee la dagaalamay ururka isku magacaabay khilaafada Islaamka, kadib marka ciidamada Mareykanka laga soo saaro dalka Suuriya.
Madaxweyne Erdogan arrintan kadib qaadacay inuu la kulmo la-taliyaha madaxweynaha Mareykanka John Bolton, iyadoo xiriirka labada dal uu khalkhal soo dhex galay muddo kooban kadib is faham weyn oo dhex maray madaxweynayaasha labada dal ee Mareykanka iyo Turkiga.