Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa xaruntiisa Madaxtooyada ku qaabilay caawa madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkaasi.
Ilaalada Jamhuuriga ayaa soo dhoweyn iyo sallaan sharaf siiyay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana laba madaxweyne ay galeen kulan laba geesood ah oo muddo saacado qaatay, waxaana markii uu soo dhammaaday waxay qabteen shir jaraa’id oo wadajir ah.
Arrimaha looga hadlay kulanka labada madaxweyne ayaa waxaa kamida xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya iyo doorka Turkiga ee horumarinta Soomaaliya. Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in Turkigu sii xoojinayo taageerada uu siiyo Soomaaliya, isagoo balanqaaday taageero hor leh.
Turkiga iyo Soomaaliya ayaa heshiisyo heshiisyo fara badan hore ay u galay kaasoo uu ugu weyn yahay heshiiska dhinaca difaaca. Heshiisyo cusub ayaa lagu saxiixay magaalada Ankara.
Isla caawa waxaa magaalada Ankara heshiis ku kala saxiixday wasiirada arrimaha dibadda Turkiga iyo Soomaaliya , kaasoo ku saabsanaa arrimaha horumarinta iyo iskaashiga labada dal.
Wadani.com