Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa maanta shaaciyey in dowladda Soomaalia ay Turkiga ku martiqaaday inuu shidaal ka baaro baddaha Soomaaliya, kadib markii Turkigu heshiis la saxiixday Dowladda Liibiya.
Sida uu shaaciyey telefishanka NTV madaxweynaha Turkiga uu ku sii jeeday dalkiisa markii uu kasoo laabtay shirkii Liibiya ee ka dhacay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in Turkiga uu qaadi doono tallaabooyin howlgal ah oo ku saabsan martiqaadka shidaal baarista ee dowladda Soomaaliya u soo gudbisay.
“Waxaann martiqaad ka helanay Soomaaliya. waxay na leeyihiin shidaal ayaa ku jira Baddaheena.. Liibiya haddii aan howshan ka wadaan.. halkanina waad ka sameyn kartaan.. Arrintan aad ayey muhiim noogu tahay anaga” ayuu yiri madaxweyne Erdogan oo intaas ku daray in Turkigu ka jawaabi doono codsiga Soomaaliya uga yimid, ayna ka howlgeli doonaan Soomaaliya.
Turkiga ayaa bishii Novembar 2019 heshiis dhinaca badda ah la saxiixday Dowladda Liibiya ee Q/Midoobay aqoonsan tahay, taasoo dhalisay inuu xumaado xiriirka Turkiga, Giriiga iyo Masar. Laakiin Arrinta Soomaaliya ayaa ah mid cusub, iyadoo dowladda Somalia aysan weli ka hadlin.