Madaxweynaha dalka Uganda Yowweri Musaveni ayaa qirtay in ciidamadiisa Soomaaliya ee ka tirsan howlgalka AMISM ay dhowaan gobalka Shabeelada hoose ku dileen dad rayad ah, iyagoo xanaaqsan.
Yoweri Musaveni oo ka hadlay magaalada Kampala ayaa sheegay in falkaan dilka ah ay ciidamadu gaysteen xili ay caraysnaayeen, Isagoo intaa raaciyay in xubnaha dilka gaystay la xiray dacwadana lagu soo oogi doono askartaasi.
Yoweri Musavani ayaa sheegay in magdhow ay siinayaan ehalada dadkii ay ciidamadada dalkiisu dilka u gaysteen.
“Dhowaan waxaa na soo gaaray kiis la xirriira dil Soomaaliya ka dhacay, koox ka mid ah askarteena ayaa dad laayay, dhamaan xubnihii falkaas ka dambeeyay waa la xiray dacwad ayaana lagu soo oogay.” Ayuu yiri madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni.
Gobolka Shabeellada Hoose ee dalka Soomaaliya ayaa 10-kii bishan Ogost waxay ciidamada Uganda ee AMISOM ku dileen 7 qof oo rayid, kadib markii uu dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Ugandaiyo Al- Al-shabaab.
