Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa ku dhawaaqay golihiisa Wasiirada oo ka kooban 50 xubnood oo isugu jir wasiiro iyo wasiir ku xigeeno, waxayna tani ka dambeysay markii dib loo doortay Bishii Febraayo ee sanadkan.
Arrinta la yaabka leh ee saxaafadu hadal heyso ayaa ah in Madaxweyne Musaveni uu xaaskiisa Janet Kataaha u magacaabay Wasiirka Waxbarashada iyo ciyaaraha dalka Uganda.
Xaaska Madaxweynaha Uganda ayaa hore u ahayd Wasiiru Dowlaha Gobalka Karamoja ee ka tirsan dalkaasi.
Qoyska Museveni ayaa si aada uga dhex muuqda Dawlada Uganda, waxaana jirta in wiilka curadka ee Madaxweynaha uu kamid yahay saraakiisha ugu awooda badan Ciidamada Dalkaas, isagoo dhowaan u dalacsiiyey darajada ugu saraysa ee Sareeye Guud.
Wadani.com