Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Madaxweynayaasha Dalalka Mareykanka iyo Iiraan oo hadallo kulul is-weydaarsaday.

    Madaxweynayaasha Dalalka Mareykanka iyo Iiraan oo hadallo kulul is-weydaarsaday.

    June 14, 2019Updated:June 14, 20192 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka Mareykanka iyo Iiraan ayaa is weydaarsaday ereyo kulul oo ku saabsan xiisadda ka taagan Bariga Dhexe, kadib weerarradii lagu qaaday Khamiistii Laba markab oo shidaal siday, kuna sugnaa Biyaha Khaliijka.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Iiraan ay ka dambeysay weerarradii lagu qaaday labadii Markab ee waxyeeladda kasoo gaartay Khamiistii, wuxuuna wareysi uu siiyay telefishanka FOX NEWS uu ku sheegay in faraha Iiraan ay ka muuqdeen weerarradaasi, isagoo intaas ku daray in Mareykanka uu difaaci doono danihiisa.

    Dhinaca kale Madaxweynaha Iran Xasan Rouhani ayaa sheegay in Mareykanka uu halis ku yahay xasiloonida gobolka Bariga Dhexe iyo tan caalamka, wuxuuna ku eedeeyay inuu wado daandaansi iyo gardarro qaawan oo ka dhan ah dalkiisa.

    “Dowladda Mareykanka, waxay labadii sano ee tagtay ku xadgudbeysay nidaamyada iyo xeerarka caalamiga ah, iyadoo adeegsaneysa kheyraadkeeda dhaqaale, maaliyadeed iyo milateri, waxay qaadatay waddo gardarro ah, waxayna halis ku tahay nabadda gobolka iyo tan caalamka” ayuu yiri Madaxweyne Rouhani oo ka hadlayey kulan ay magaalada Bishkek ee dalka Kyrgyzstan ku leeyiiin madaxda Ururka Iskaashiga Shanghai, oo ah isbahyasi amni oo ay ku mideysan yihiin dalalka Yurub iyo Asia qaarkood, sida Russia, China iyo India.

    Rouhani ayaa Mareykanka ku dhaliilay ka bixitaanka heshiiskii Nukliyerka Iran ee la gaaray 2015, isaga oo sheegay in Washington ay dalalka kale ee caalamka ku cadaadineyso inay jebiyaan qaraarka Golaha Ammaanka QM ee soo celinta xiriirka ganacsi ee lala leeyahaya Tehran.

    Ruushka iyo Shiinaha ayaa garab istaagay Iiraan, iyagoo sheegay inay taageersan yihiin dowladda Iiraan, una balan qaaday inay kala shaqeyn doonaan nabadda iyo yareynta xiisadda ka taagan Bariga Dhexe.

    Dalalka Reer Yurub sida Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa iyaguna sheegay inaan la heynin caddeyn ku filan oo lagu eedeeyo Iiraan weerarradii ka dhacay Khaliijka Cumaan, waxayna ku gaabsadeen in baaritaan uu socdo.

    Hassan Rouhani Iran US
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaxkamadda ICJ oo diiday Codsi uga yimid Imaaraadka oo ku saabsan Dacwad ay ku oogtay dowlada Qatar..
    Next Article Xildhibaan Rashiid Qaasim oo Caawa Maxkamad loosoo taagay u gacan-qaadkii xildhiban Faduma Gedi

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo