Madaxweynayaasha maamulalda Puntland iyo Jubbaland si kala gaara war uga soo saaray weerarka Alshabaab ee ka socda Magaalada Muqdisho iyo Qaraxyadii ka dhacay xalay.
Axmed Maxamed Islaam ayaa cambaareeyay Weerarka Alshabaab xalay ka geysatay Magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku xasuuqeen dad aan waxba galabsan oo nolol maalmeedka la halgamayay, wuxuuna Allah uga rajeeyay in naxariistii jano uu ka waraabiyo dadka goobta ku dhintay kuwa dhaawacmayna uu caafimaad taam ah siiyo.
Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay gacmaha is qabsadaan wakhtigan adag oo ay garab istaagan dadka uu dhibku gaaray oo ay la qaybsadaan xaalada ay ku sugan yihiin isagoo sheegay in Argagixisada isku duubni iyo wadajir lagaga adkaan karo.
Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya Afka Goleyaasha Puntland iyo shacabka ayaa sheegey inay la qaybsanayaan murugada iyo tiiraanyada walaalahood waxyeeladu kasoo gaartay falkii bahalnimada ahaa ee Argagixisadu ay u gaysteen Shacabka Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho.
HOOS KA AKHRISO TACSIDA MADAXWEYNAHA PUNTALND
