Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa dhagax dhigay dhismaha safaaradda cusub oo dowladda Jabuuti ka dhisaneyso magaalada Muqdisho.
Xafladda dhagaxdhigga ayaa ka danbeeyay kulan kooban o dhex maray labada madaxweyne oo ay uga hadleen xiriirka labada dal waxyar kadib markii uu Muqdisho soo gaaray madaxweynaha Jabuuti.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa ahaa hogaamiyihii ugu horeeyay ee soo gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo caleemosaarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Safaaradda ay Jabuuti ka dhisaneyso Muqdisho ayaa ku taalla degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho, halkaasoo laga siiyay dhul bannaan.
Wadani.com