Madaxweynayaasha dowladaha Soomaaloya iyo Turkiga xariga ka jaray Garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho oo dib u dhis weyn lagu sameeyay Terminalkiisa laga soo dego lagana dhoofo.
Madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka, wasiiro fara badan, xildhibaano , maamulka Gobolka Banaadir iyo marti sharaf fara badan ayaa ku sugnaa garoonka iyadoo madaxda dowladda aanay u kala harin soo dhoweynta wafdiga madaxweynaha Turkiga.
Madaxweynayaasha Soomaalida iyo Turkiga ayaa si wadajir ah xariga uga jaray garoonka diyaaradaha dhismihiisa cusub ee Muqdisho, waxayna halkaasi ka jeediyeen khudbado kooban oo loogu talogalay furitaanka garoonka.
Madaxweynaha Turkiga ayaa ugu horeyn sheegay inuu ku faraxsan yahay in Muqdisho uu joogo, wuxuna Garoonka Adan Cadde ku sheegay in dhismihiisu qiime u leedahay labada dal. Madaxweyne Ordogan wuxuu intaas ku daray in Turkigu taageerayaan Soomaaliya oo dhibaato adag soo maray.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isna ka mahad celiyay taageerada Turkiga wuxuuna wafdiga madaxweynaha Turkiga ku soo dhoweeyay dalkiisa iyo dadkiisa sida uu yiri. Dhismaha Garoonka Aden Cadde ayuu sheegay madaxweynaha inuu ka mid yahay horumarka Turkigu ka sameeyay dalka.
Muqdisho.
Wadani.com
[ad name=”HTML”]