Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay weerarkii Alshabaab ku qaadeen hotelo iyo dhismooyin ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Qoraallo ay soo direen ayay labada madaxweyne oo kala hoggaamiya xisbiyada siyaasadeed ee UPD iyo Himilo Qaran ayey si weyn ugu cambaareeyay qaraxa iyo weeerarka Alshabaab iyagoo tacsi u diray dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi.
Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa farriintiisa ku yiri: “Anigoo aad uga murugoonaya weerarkii ay argagaxisadu ku xasuuqeen dadka rayidka ah, ayagoo noloshooda caadiga ku jirana ku laayay wadada Makah Al Mukaramah ayaa waxaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeynayaa murugada xanuunka badan ee soo wajahday, saameynta adagna nagu dhalisay’.. Inta dhimatay ilaahay ha u naxariisto, ehelkoodiina samir iyo iimaan eebe haka siiyo, inta dhaawaca ahna caafimaad deg deg ah ayaan eebe uga baryayaa. Waa nasiib darro aad u weyn in maalin weliba ay argagaxisada aan diin iyo damiir Soomaalinimo midna laheyn ay dadkeena wax galka ah micno darro ku xasuuqaan, waxaan ugu baaqayaa laamaha amaanka ee dowladda federaalka in ay xoojiyaan mas’uuliyadda ka saaran badbaadinta shacabka, shacabkana waxaan ugu baaqayaa in ay hay’adaha amniga kala shaqeeyaan sugida amaanka iyo in meel looga soo wada jeesto bahalada caadeystay xasuuqa dadkeena.
Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa isna shegeay inuu xanuunka la qeybsanayo dadka Soomaaliyeed ee ku geeriyooday weerarkii xalay ka dhacay Magalada Muqdisho, isagoo qoraalkiisa ku yiri:.
Bismillah! INAA LILLAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
Waxaan murugada la wadaagayaa walaalahayga Soomaaliyeed ee argagixisadu ay ku gumaaddey Magaalada Muqdisho caawa. Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarkaas wuxuushnimada ah aniga oo tacsi u dirayo guud ahaan umadda Soomaaliyeed, waxaan leeyahay walaalihii ku dhintay Allaha u naxariisto, kuwa dhaawacana allaha noo bogsiiyo. Waxaan ugu baaqayaa bulshada qaybaheeda kala duwan iyo dowladdaba in gacmaha la isku qabsado sidii cadowgan looga guulaysan lahaa. Dhammaanteed waxaa noo wada wanaagsan Soomaaliya oo xasilloon, gacmaha is haysata una midooba cadowga duullaanka ku ah amniga iyo dowladnimada Soomaaliya.
Madaxda dowladda Somalia ayaan weli wax war ah kasoo saarin weerarkii Alshabaab ee qaraxa ku bilowday oo dad ka badan 25 ay ku dhinteen tiro kalena ay ku dhaawacmeen.