Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Madaxweyne Albashiir: Ninkii uu isku aaminay ayaa inqilaabay [Waa kuma Cawad Bin Cawf ?]

    Madaxweyne Albashiir: Ninkii uu isku aaminay ayaa inqilaabay [Waa kuma Cawad Bin Cawf ?]

    April 12, 2019Updated:April 12, 20192 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Afgembigii ka dhacay dalka Suudaan Khamiistii 11-ka April 2019 wuxuu soo gabagabeeyay xukuntii 30-ka sano soo jiray ee Madaxweyne Jeneraal Cumar Xasan Albashiir oo laf ahaantiisa inqilaab aan dhiig ku daadan ku qabsaday dalkaasi.

    Madaxweyne ku xigeenkii iyo wasiirkii Gaashaandhigga dalkaasi Cawad Bin Cawf ayaa akhriyey bayaanka koowaad ee ay ciidamada Suudaan talada dalkaasi kula wareegeen, wuxuuna sheegay in madaxweynihii la xiray meel amni ahna ku sugan yahay, iyadoo la dhisay Gole Mileri oo dalka xukuni doona muddo 2 sano ah.

    Jen. Bin Cawf wuxuu ahaa nin darajooyin kala duwan kasoo qabtay ciidamada Suudaan, isagoo howlgab noqdayna waxaa dib u soo celiyey madaxweyne Albashiir oo u arkay ninka uu isku aamini karo, wuxuuna u magacaabay wasiirka Gaashaandhigga iyo ku xigeenkiisa.

    Bin Cawf ayaa xalay loo dhaariyey madaxa Golaha milateriga ee la wareegay xukunta dalka Suudaan, taasoo dad badan soo xusuusisay inqilaabkii uu wasiirka Gaashaandhigga Masar ku sameeyay madaxweynihiisii magacaabay ee Maxamed Mursi oo weli xabsi ku jira.

    Farqiga u dhaxeeya labada inqilaab ee Masar iyo Suudaan ayaa ah in Masara talada laga tuuray madaxweynihii ugu horeeyay dalkaasi ee si xor ah dadka u soo doortaan, halka Suudaan xilka lagala wareegay jeneraal isaguba afgembi ku yimid.

    Inkastoo dadka reer Suudaan intooda badan ka hor yimaadeen in ciiiamadu ay xukunta la wareegaan oo muddo 2 sano ah ay isku koobaan, ayna weli socdaan bannaanbaxyadii looga horjeeday ayaa haddana Suudaan waxay taariikh dheer u leedahay inqilaabyada milateri.

    Jeneraal Cawad Bin Cawf waa askari dhashay sanadklii 1950; Wuxuuna ka baxay Kulliyada Ciidamada, isagoo kadibna tababar milatari loogu diray dalka Masar oo uu ku takhasusay madaafiicda goobta, wuxuuna kadib macallin ka noqday kulliyadda layliga saraakiisha dalka Suudaan.

    Image result for awad bin awf

    Bin Cawf wuxuu noqday taliyaha sirdoonka milatariga iyo ku xigeenka taliyaha ciidamada qalabka sida ee Suudaan; wuxuu shaqada ka fariistay sanadkii 2010; kadibna waxaa loo magacaabay safiir ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda, isgoo noqday agaasimaha waaxda xallinta khilaafaadka. Muddo kadib waxaa loo magacaabay Qusulka guud ee safaaradda Sudan ee Qaahira, wuxuuna markii danbe u wareegay dalka Cumaan oo uu ka noqday safiir.

    Madaxweyne Albashiir ayaa 2015 u magacaabay Cawad Maxamed Axmed Bin Cawf wasiirka Gaashaandhigga dalkaasi, waxaana la ogyahay in ciidamada Suudaan uu gaarsiiyey awood sare markii uu ku qalabeeyay hub casri ah, iyadoo helay sawaariiq iyo gawaarida gaashaaman.

    Madaxweynaha cusub ee Suudaan Cawad Bin Cawf wuxuu weli ku jiraa liiska shaqsiyaadka iyo saraakiisha Suudaan ee xayiraadda saaran tahay , loona heyso dembiyo dagaal oo ka dhacay Daarfuur.

    Albashir Awd Bin Awf Omar Albashir Sudan Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAl-Shabab abducts two Cuban Doctors in Kenya
    Next Article Wiil kale oo Soomaali ah oo Toorey lagu dilay Magaalada London ee Dalka Ingiriiska

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo