Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo Khudbad ka jeedinaayay Shirka Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda ayaa eedeyn u jeediyey dowladda federaalka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in Galmudug heshiis ka dhacay, gaar ahaan kii ugu dambeeyay Dhuusamareeb ka dhacay, laakiin Dowladda Federaalka wax walba kula heshiinay iyo mashaariicdii aan saxiixnay inaysan waxba ka fulin, balse ay ka badin waayeen sida uu yiri: “Xaaf ha Baxo”.
Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ku mashquulsan tahay sidii Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ay ridi lahaayeen, arrrintooduna noqotay midkee nugul oo aan hor marinaa?!.
Wuxuu kaloo ka hadlay in ku dhow 70 Oday oo uu sheegay inay Alshabaab ka Afduubteen Saaka degaano ka tirsan gobolka Galgaduud, islamarkaana ay la aadeen degmada Ceelbuur oo ay ku sugan yihiin Shabaab.
Wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ku mashquusho burburinta maamul goboleedyadda, iyadoo Shabaab ay dadka dhibaato ku hayaan.