Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa magacaabay Guddiga Adeegga Garsoorka K/Galbeed oo ka kooban 7 xubnood.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha K/Galbeed ayaa u qorneyd, sida soo socota:
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed
Markuu arkay: Dastuurka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Qodobka 48aad fargadiisa laad iyo Qodobka 70aad farqadiisa 2aad.
Markuu tixgaliyey: Talo soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka, warqada sumadeeda tahay Ref: MOJSW-77-9-21 kuna taariikheysan 18-09-2021, soo jeedin Guddiga adeega Garsoorka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
WUXUU SOO SAARAY XEERKAAN
Qodobka 1aad: Magacaabid Guddiga adeega Garsoorka
Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay, 25 September 2021, waxaa uu Madaxweynaha magacaabay toddobo (7) xubnood ee Guddiga Adeega Garsoorka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
1. Axmed Cali Muuse Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee DGKGS
2. Adan Mukhtar Suuriye Xeer llaaliyaha Guud ee DGKGS
3. Avv. Deerow Ibraahim Xuseen
4. Avv. Abuukar Xuseen Xasan
5. Avv. Cabdulqadir Cali Macalin
6. Mudane Sheekh Cabdiraxiim Macalin Cabdulaahi
7. Mudane Shariif Maxamuud Sheikh Xasan
Qodobka 2aad Dhaqan-galka Xeerkaan
Xeerkan waxa uu dhaqan-gal noqanayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.


