Ciidamda Amniga Dowlada Soomaaliya ayaa bandow kusoo rogay caasimadda Muqdisho, iyadoo doorashda Madaxweynaha cusub ay Muqdisho ka dhaceyso Berri oo Axad ah 15 May. 2022.
Bandowga ayaa ka bilaabanaya 9:00 fiidnimo ee caawa, isagoo socoon doona ilaa lixda subaxnimo ee Isniinta, xilligaas oo la rajenayo inuu dalku yeesho Madaxweyne cusub, xilkana uu banneeyo Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Afhayeenka ciidamada Booliska Gaashanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay inay lagama maarmaan noqotay in la sugo ammaanka guud ee dalka xilliga lagu jiro doorashada madaxweynaha, lana joojiyo isu socdka dadka iyo gaadiidka.
Waxa uu sheegay in la hakin doono dhammaan dadka iyo gaadiidka xilliga lagu jiro bandowga, wuxuuna sheegay in haddii dadweynaha ay lasoo gudboonaadan xaalado deg-deg ah inay la soo xiriiri karaan booliska, si ay u caawiyaan.
Soomaaliya ayaa rajo ka qabta inuu bog cusub u furmo, lana doorto madaxweyne cusub oo wax ka bedela xaaladii uu dalku ku jiray 5-tii sano oo la soo dhaafay oo maamulkii Farmaajo dalka galiyey hubanti la’aan iyo khalkhal siyaasadeed.
Magaalada Muqdisho waxaa ka socda saacadihii ugu dambeeyay ee ololaha doorashada, iyada oo musharaxiinta, xildhibaannada iyo madaxda Dowlad goboleedyada ay u socdaan kulamo la xiriira oo ku saabsan Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
