Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo degmada Qarsho kula hadlay odayaasha iyo Isimada Puntland ayaa sheegay in waxa kala dhaxeeya dowlada Federaalka ay tahay isla xisaabtan iyo qeyb ka noqdaan geedi socodka dowladnimo ee socda.
Isagoo ka hadlayey beelaha Puntland qaarkood oo ka hor yimid maamulkiisa iyo bannaabaxyo dhacay ayuu sheegay in khalad loo sheegay dadkaasi sida inuu maamulkiisu hortaagan yahay mashaariic ay dowladda federaalka ugu talogashay, wuxuuna arrintaas ku eedeeyay in laga wado meelo ka baxsan Puntland..
“Dowlada Federaalka ah aniga waxaan soo ahaa Wasiirkeeda Qorsheynta Federaalka waxa meesha yaalla oo nooga maqnaan kara waan garanayaa; laakiin xaqiiqda waxay dadweynuhu maleynayaan Mashaariic ma aha, dowladda Soomaaliyeed waxay ku jirtaa geedi Socod Siyaasadeed , Dowladda wali ma caga dhigan.. waxa aan isku heyno waan inaan ka mid noqono geedi socodka Soomaaliya.. Anagu dhexdeena waa xisaabtannaa,, jagooyin ayaad i weydiisaan reer kasta xisaabtan ayuu la yimaadaa.. Aniguna xisaab ayaan Puntland ugu maqanahay dowladda Federaalka….” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dowladda Federaalka aysan ahayn Koonfur oo ay u kala saaran tahay dadka shcabka ah iyo nidaamka meesha jooga, kaas oo uu xisaabtan kala dhaxeeyo; ayna khalad tahay in dowladda Koonfur lagu koobo.