Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Puntland»Madaxweyne Deni: “Golaha Wasiirada Puntland waxay isla garteen inaan tago caasimada Muqdisho…”

    Madaxweyne Deni: “Golaha Wasiirada Puntland waxay isla garteen inaan tago caasimada Muqdisho…”

    March 19, 2020Updated:March 19, 20203 Mins Read Puntland
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

     Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo uu Shir-guddoomiyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa looga hadlay arrimo kal duwan.

    Kulankao ay ka qeyb galeen Guddoomiyeyaasha Gobolada iyo Degmooyinka Puntland, ayuu Madaxweynaha Puntland ku dhawaaqay inuu tegayo caasimadda Muqdisho, si uu ula kulmo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo weliba maamul gobileedyada dalka.

    – Goluhu wuxuu Ayiday War-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Wadatashiga Puntland, waxaana la isla qaatay in la fuliyo dhammaan baaqyadii iyo talooyinkii kasoo baxay Shirweynaha Wadatashiga Puntland.

    – Iyadoo laga duulayo Baaqii kasoo baxay Shirka Wadatashiga ee ku saabsana in Puntland doorkeeda qaadato, si Soomaaliya uga gudubto marxalada Siyaasadeed ee jirta.

    Waxaa uu goluhu isku raacay in Madaxweynaha iyo Wafdi uu hoggaaminayo ay tagaan caasimadda Muqdisho iyo magaalo madaxyada Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, si ay ugu gogol xaaraan inuu qabsoomo Shirka ay Puntland gogoshiisa dhigtay iyo in dhammaan Madaxda Soomaaliyeed ay kasoo qeybgalaan Shirkaasi si xal loogu helo khilaafka Siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah.

    Goluhu waxaa uu u mahadceliyey dhammaan dadkii kasoo qeybgalay Shirka Wadatashiga Puntland, sida wafdiga ka socday Dowladda Federaalka ah oo uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibedda, Xubnaha labada Aqal ee Dowladda Soomaaliya, Madaxweyneyaashii hore ee Puntland, Saraakiishii hore Ciidamada heer Soomaaliya iyo heer Puntland, Goleyaasha Dowladda Puntland, Guddoomiyeyaasha Gobolada iyo Degmooyinka Puntland, Isimada, Haweenka, Ergooyinka Gobolada ka yimi iyo dhammaan marti sharafta kale ee shirkaasi kasoo qeybgashay.

    Goluhu isagoo illaalinaya badqabka Caafimaad ee dadweynaha Puntland, darsayna warbixinta caafimaad ee ay Golaha la wadaageen Guddiga loo magacaabay wax ka qabashada Cudurka Coronovirus, waxaa uu Goluhu ku dhawaaqay:

    – in laga billaabo maanta muddo labo Asbuuc ah la fasaxay Goobaha Waxbarashada, Iskuulada, Jaamacadaha iyo Dugsi quraannada.

    – In Masaajida iyo goobaha kale ee la isugu yimaado la yareeyo, isu imaatinka dadka badan mudaddaasi.

    – In gebi ahaanba la joojiyey Kulamadii la isugu iman jiray, in la yareeyo Safarada iyo in shaqaalaha Dowladdu ay shaqooyinka looga maarmi karo isu imaatin ay masaafo kusoo shaqeeyaan.

    – Goluhu wuxuu ugu baaqay Ganacsatada Puntland in ay kordhiyaan Kaydka cunto iyo waxyaabaha daruuriga ah mudadda xaaladdan lagu jiro.

    Inkasta oo aysan illaa iyo hadda Ka jirin Puntland xaalad ku saabsan cudurkan, hadana Goluhu wuxuu ku baaqaya in Dowladd iyo Shacaba lala shaqeeyo Guddiga Dowladdu u saartay xaaladda Cudurka Coronovirus, si looga hortago halista cudurkan oo si xawli ah ugu fidaya adduunka.

    HOOS KA DAAWO

    Deni Muqdisho Puntland Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleHorgooye & Maleeshiyo ka tirsan Alshabaab oo lagu qabtay duleedka Jannaale & Maryekanka 5 Duqeyn ka fuliyey…
    Next Article Xukuumadda Soomaaliya oo hakisay inay Shaqaalaha Dowladda xaadiraan xafiisyadooda [Akhriso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo