Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa ku guuleystay inuu kala furo madaxda Ciidamada PSF ee ka horjeeday, kana hor yimid xil ka qaadistii uu ku sameeyay agaasimaha PSF Maxamuud C/llaahi Diyaano.
Agaasimaha cusub ee Ciidanka PSF Gen. Amiin Xaaji Kheyr ee aan weli xilka la wareegin ayaa xarunta Cusub ee Ciidanka PSF kusoo dhaweeyay saaka G/Sare Cabdiraxmaan Ilig oo ahaa Agaasime ku-xigeenka Ciidanka PSF iyo G/Dhexe Cabdirisaaq Cali Duulane (Garaadka).
Arrintan ayaa loo arkaa tallaabo weyn iyo guul bilow ah, iyadoo weli ay socoto xiisada ka dhalatay xil ka qaadista agaasimihii Ciidanka PSF oo magaalada Boosaaso gelisay xaalad milateri, wuxuuna Madaxweynaha Puntland ku adkeystay inuusan gorgortan ka galeynin xil ka qaadistaasi.
Telefishanka maamulka Puntalnd ayaa soo bandhigay muqaallada labada sarkaal ee dhinaca maamulka Puntland u soo wareegay oo la jooga agaasimaha magacaaban ee PSF Amiin Xaaji Kheyre, waxaana wehliyey Guddomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka, Saraakil ka tirsan ciidanka PSF iyo ciidamada Daraawishta.
