Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray urur Siyaasadeedka Kaah ee dhowaan laga dhisay Puntalnd oo bilow u ah nidaamka xisbiyo siyaasadeed looga sameynayo maamulkaasi.
Sida ay shaacisay madaxtooyada Puntland Madaxweyne Deni ayaa tegay xarunta ururka KAAH, waxaana kusoo dhoweeyay Guddoonka Kumeel gaarka ah ee Ururka iyo Xubnaha Ururka qaar ka mida, Wuxuuna kadib u gudbey qeybta diiwaangelinta, halkaasi oo uu Madaxweynuhu si rasmi ah isu diiwaan geliyay si uu u noqdo xubin ka tirsan Urur Siyaasadeedka Kaah.
Hirgelinta nidaamka xisbiyada badan ee Puntland waxaa uu ka mid ahaa qorshe muddo dheer dib u dhacay oo hadda la doonayo in la hirgeliyo, iyadoo dhisay Guddiga Doorashooyinka Kumeelgaarka ah oo diiwaan geliyey 17 urur siyaasadeed oo mustaqabalka noqonaya xisbiy siyaasadeed marka ay buuxiyaan shuruudo loo dhigay.




