Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabulaahi Deni oo shaaciyey inuu dhexdhexaadinayo Dowladda Soomaaliya iyo Axmed Madoobe oo khilaafka ka dhashay doorashadii Jubbaland u dhaxeeyo.
Isagoo ka hadlayey magaalada Garowe, kadib markii uu ka laabtay magaalada Kismaayo ayuu sheegay inay Kismaayo tahay magaalo Ami ah, laakiin wajaheysa culeyso badan oo dhinac Badda, Dhulka iyo Cirka ah, wuxuuna kashifay inuu hore dhexdhexaadin uga dhex maray madaxda dowladda Federaalka iyo Jubbaland.
“Khilaafka dowladda Federaalka iyo Jubbaland u dhaxeeya waxay diyaar u tahay Puntland waxaan rajeynayaan inay kaalinta uga aadan ka qaadato isu soo dhoweyntooda, waaana sii wadi doonaa.., dadaalladii socdayna qeyb ayey ka ahayd..” ayuu yiri Madaxweyne Deni oo sheegay inaysan xubnaha diidan habka doorashadu u dhacday ay yihiin laba qof oo aan miisaan lahayn, balse qof kasta oo maqan ay tahay in la raadiyo.
Puntalnd iyo dowladda Federaalka ayaa weli xiriirkoodu aanu wanaagsaneyn iyadoo Puntland ay laba jeer ku dhawaaqday inay joojisay xiriirkii wada-shaqeynta ee dowladda Federaalka, waxaana la isku mari waayey shir magaalada Boosaaso ku dhex maray wasiiro wakiil ka ahaa madaxweynaha Soomaaliya oo kasoo jeeda Puntland iyo Madaxweynaha Puntland oo ku saabsanaa arrinta Jubbaland,
Lama oga sida iyadoo aan xal laga gaarin khilaafkii Puntland iyo dowladda Federaalka uu madaxweynaha Puntland u dhexdhexaadin karto khilaafka adag ee Dowladda Federaaka iyo Axmed Madoobe.