Madaxweynaha Puntland ayaa si kulul uga hor yimid, uguna hacan seyray qodob ka mida go’aano ay Isimada Puntalnd qaarkood kasoo saareen xalinta khilaafka ka taagan xil ka qaadista agaasimihii Hay’adda PSF Jen. Maxamuud Cismaan C/llaahi Diyaano.
Waxaa War-saxaafadeedka lagu sheegay inay nasiibdarro in qayb ka mid ah Isimada Puntland ay baraha bulshada ku faafiyeen qoraal dhaawacaya maslaxadda iyo mustaqbalka Puntland, iyagoo ku sheegay in hubka iyo hantida Ciidanka Amniga Puntland uu si gaar ah u qaato Agaasimihii hore, taasoo lagu tilmaama arrin meel ka dhac ku ah sharafta dowladnimo, khatarna gelinaysa amniga iyo xasiloonida Puntland.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA
Puntland Government of Somalia
December 7, 2021
WAR SAXAAFADEED
Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay uga mahad celinaysaa dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Reer Puntland, gaar ahaan Waxgaradka, Isimada, Culimada, Ganacsatada, Nabadoonada iyo Haweenka dadaalka ay ka muujiyeen sidii uu Agaasimihii hore ee Ciidanka Ammaanka Puntland (PSF) Gen Maxamuud Cismaan Diyaano uu si hufan oo nabad ah xilka ugu wareejin lahaa Agaasimaha cusub Sareeye Guuto Maxamed Aamiin Cabdullaahi Xaaji Kheyr oo Madaxweynaha Dowladda Puntland u magacaabay Agaasimaha Hay’adda PSF 24 November 2021.
Ciidanka PSF (Puntland Security Forces) waxay ka mid yihiin laf dhabarta hay’daha amniga Dowladda Puntland, iyagoo ka qayb qaata sugista amniga guud ee Puntland, gaar ahaan la dagaalanka Ururada Argagixisada ah, Dowladda Mareykanka ayaana si gaar ah uga taageerta PSF dhinacyada tababarada iyo qalabka ciidanka.
Ciidanka PSF iyo hantidooda oo leh hub, gaadiid, guryo iyo agab kaleba waa hanti Dowladda Puntland iyo Shacabkoodu leeyihiin, ayna u soo dhinteen, una soo dhaawacmeen tiro fara badan oo naftood hurayaal ah iyagoo difaacaya amniga iyo dowladnimada Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Reer Puntland.
Sidaa darteed, waa nasiib darro in qayb ka mid ah Isimada Puntland ay Maantay (7 December 2021) baraha bulshada ku faafiyeen qoraal dhaawacaya maslaxadda iyo mustaqbalka Puntland, ayna ku sheegeen in hubka iyo hantida Ciidanka Amniga Puntland uu si gaar ah u qaato Agaasimihii hore.
Arrintaas oo meel ka dhac ku ah sharafta dowladnimo, khatarna gelinaysa amniga iyo xasiloonida Puntland, dhiirigelina u sameynaysa musuq maasuq iyo boob hantida ay Dowladdu uga masuulka tahay Shacabka Puntland.
Haddaba, Dowladda Puntland waxay faraysaa Agaasimihii hore ee PSF Mudane Maxamuud Cismaan Diyaano inuu sida ugu dhaqsaha badan u wareejiyo dhammaan hantida hay’adda PSF. kuna wareejiyo Ciidanka PSF iyo Agaasimaha Cusub. Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxaa, iyadoo dhawraysa Dastuurka iyo sooyaalka dowladnimo ee Puntland, ka go’an illaalinta amniga, xasiloonida iyo xoojinta dowladnimada iyo sareynta sharciga.
