Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa tegay hoyga madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo halkaasi kulan kula yeeshay qaar ka mida madaxda mucaaradka.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Deni ayaa lagu sheegay inuu Madaxweynaha Dowladda Mudane Siciid Cabdullaahi Deni hoyga uu ka degan yahay Muqdisho ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.
“Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxda Xisbiyada Qaran, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Shiikh Aaden iyo Wafdiga Madaxweynaha oo ka koobnaa Wasiiro, Xildhibaano, La taliyeyaal iyo Saraakiil Madaxtooyo..” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.








