Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni oo dib ugu laabtay magaalada Garowe, kadin saddex toddobaad oo uu ku maqnaa dalka Imaaraadka Carabta ayuu sheegay in maamulkiisa aanu qeyb ka ahayn waxa ka socda Xamar ee Dooda Sharciga Doorashada.
Isagoo ka hadlayey xaflad lagu daah furayey qorshe howleedka Guddiga Cuusb ee Doorashada Puntland ayuu sheegay Madaxweyne Deni in sanad kadib laga doodo qaabka ay doorasho u dhaceyso inaysan ahayn arrin wanaagsan, wuxuuna soo jeediyey in Doorasho cad oo qof iyo cod ah la qabto ama qaab kale la raadinayo ee aysan is qaban 4.5 iyo Doorasho.
“Waa inay dhacdaa doorashadii la yaqaanay ee qof iyo cod ah oo gobollada dalka oo dhan la tagaa ama haddii kale la is weydiiyaa xagee la aadaa..? ee ma aha in 4.5 iyo doorasho la is dhinac wado, mana fahmi karno..” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo ku dhaliilay Guddiga Doorashooyinka inaan la ogeyn inuu yahay guddi dowladda ka mida iyo mid madax bannaan, kuna hadlo afka dowladda.
Sharciga laga doodayo ee Doorashada Soomaaliya ayuu sheegay inuu u muuqdo Shaar dad tolanayaan oo aanu u qalmin in wax noocaas ah ay Puntland qeyb ka noqoto, iyaguna aanay wax door ah ku lahayn, isla markaana aysan jirin wax lagala tashaday ama ay og yihiin, sida uu yiri.
HOOS KA DAAWO