Madaxweynaha Mareykanka ee waqtigiisu sii dhammaanayo Donald Trump ayaa goor dhoweyd shaaciyey inuu shaqadii ka ereyay Xoghayihii Gaashaandhigga dalkaasi, isagoo magacaabay mas’uul xilkaasi sii heyn doona.
Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ayuu ku sheegay inuu xilkii ka qaaday Mark Esper, xilkaasina u magacabay agaasimihii Xarunta Qaran ee ka hortagga Argagxisiada Christopher C. Miller, isagoo aan faahfaahin ka bixin sababta.
Xoghayaha Gaashaandhigga ee xilka laga qaaday Mark Esper ayaa la sheegay inuu hore u diyaariyey is-casilaadiisa, balse aanu ka war heynin xil ka qaadista degdegga ah. Wararka qaar ayaa sheegaya in xoghayaha Gaashaandhigga uu taageersanaa madaxweynaha la doortay ee Joe Biden.
Trump iyo Esper ayaa isku maandhaafay bannaanbaxyadii looga horjeeday dilkii Booliska ee Ninkii Madoobaa Goerge Floyd, wuxuuna Esper ka hor yimid amar uu Trump ku sheegay inuu ciidamo uga hortegayo.
