Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Madaxweyne Donald Trump oo Wiilkiisa kasoo qoray War Halis sharciyeed u keeni kara [Akhriso]

    Madaxweyne Donald Trump oo Wiilkiisa kasoo qoray War Halis sharciyeed u keeni kara [Akhriso]

    August 6, 20182 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa markii ugu horeysay qiray arin uu in badan beenin jiray oo ku saabsan in wiilkiisa Trump Jr uu la kulmay saraakiil Ruush ah si uu “xog uga helo qof lid ku ah”.

    Qoraal uu dhigay bartiisa twitter-ka ayuu ku sheegay in kulankaasi uu ahaa mid sharci ah., iyadoo hadalkan uu yahay qiraalkii ugu weynaa ee Tump laga hayo, waxaana si weyn loo hadal hayaa in Trump uu baxar geliyey wiilkiisa, ayna ugu wacan tahay sida darran ee uu u adeegsato baraha bulshada.

    Guddoomiyaha Guddiga gaarka ah ee baaraya kiiskan Robert Mueller ayaa baaraya warbixin hay’adaha sirdoonka Maraykanka ay heleen oo ku saabsan faragalin Ruushka ay ku sameeyeen doorashadii Maraykanka 2016-kii, taas oo loogu xaglinayay Trump. Madaxweynaha ayaase beeniyay in ay jireen waxyaabo laga wada shaqeeyay.

    Maalintii axadda ayay warbaahinta kala duwan ee CNN, Washington Post iyo wakaalada wararka ee AP waxa ay baahiyeen in Trump uu ka walwalsanyahay in wiilkiisa laga yaabo in uu galay dhibaato xagga sharciga ah, kadib kulankii uu la yeeshay dad Ruushka ka socda. Warbaahinta ayaa soo xiganayay illo wareedyo kala duwan.

    Fake News reporting, a complete fabrication, that I am concerned about the meeting my wonderful son, Donald, had in Trump Tower. This was a meeting to get information on an opponent, totally legal and done all the time in politics – and it went nowhere. I did not know about it!

    — Donald J. Trump (@realDonaldTrump) August 5, 2018

    “Warbaahinta been abuur ayay baahinayaan, waa wax aan sal iyo raad lahayn, in aan aniga ka walwalsanahay kulanka wiilkeyga qaaliga ah uu ku yeeshay dhismaha Trump Tower, kulanka wuxuu ahaa mid uu xog oga raadinayay qof mucaarad nagu ah, kulankana wuxuu ahaa mid sharciga waafaqsan”. ayuu yiri Trump

    Trump ayaa intaas ku daray in uusan kaba warhaynin kulanka. Balse dhibka jira ayaa ah in hadalkan cusub uu burinayo hadaladii hore ee uu sheegay.

    Markii wargeyska New York Times uu markii ugu horeysay baahiyey jiritaanka kulankan, Trump waxa uu sheegay in wiilkiisa iyo garyaqaanka Ruushka ah ay ka wadahadleen arrimo la xiriira barnaamij ay dowladda joojisay oo ku saabsanaa carruur Ruushka u dhashay oo ay korsan jireen dad American ah.

    Haddase waxa uu sheegay in kulanka uu ku saabsanaa musharixii la tartamaysay Hillary Clinton, taasoo noqoneysa mid soo shaac bixisay wararka is burrinaya ee Trump iyo xiisada ka dhalatay baaritaanka ku socda.

    Khubarada sharciga ayaa sheegay in Trump uu ku jiro gef sharciyeed, lagana yaabo inuu ku xad gudbay sharciga mamnuucaya in dowlad shisheeye laga qaato lacag ama wax uun faa’iido u leh ololaha doorashada.

    Trump ayaase sheegay in xog wax yeeleyn kartay Clinton aysan uga soo bixin kulanka, waxayna ku adkaysanayaan in kulanka uusan jabinin wax sharci ah.

    Robert Mueller Trump Trump Junior US
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAKHRISO: Shax laga sameeyay tirada Wasiirada Xildhibaannada ah ee Xukuumadda Soomaaliya oo sii kordhay
    Next Article AKHRISO: Magacyada Saraakiil Booliska ah oo loo xiray Musuqmaasuq & Saldhigga ay ka howlgalaan

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo