Madaxweynaha dalka Gambia ee doorashada looga guulaystay Yahya Jammeh ayaa diiday natiijada doorashada, isagoo la baatay go;aankii uu hore ugu aqbalay in laga adkaaday.
Madaxweyna Yahye Jammeh oo dalkiisa afgembi ku qabsaday muddo 22 sano ahna xilka gayay ayaa ka hadlay TV-da dalkiisa, wuxuuna ku dhawaaqay in Doorashada ay ku dhacday si khaldan oo wax la is daba mariyay, isla markaana aanu ogolaan karin natiijadii kasoo baxday.
Ninkan ayaa hore dunida uga yaabiyay markii uu si degdeg ah u ogolaaday natiijada codadkii soo baxay isagoo intaasi raaciyay inuu aqbalay guusha musharaxii la tartamayay, waxaana uu telefoonka kula xiriiray Adama Barrow oo ku guuleystay Doorashada, isagoo u hambalyeeyay.
Yahye Jammeh ayaa ku adkeystay inuusan xilka ka dagayna, isagoo ku baaqay in doorasho cusub la qabto.
Arrintan waxaa si weyn u cambaareeyay dalalka Afrika iyo dunida, waxaana hadda dalkaasi uu wajahayaa xaalad cusub oo laga cabsi qabo inay qalalaase ka dhashaan.
Wadani.com