Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa hoggaamiyayaasha dalalka Muslimiinta ku baraarujiyay in Qudus ay u aqoonsadaan in ay tahay “caasimadda xoogga lagu haysto ee Falastiin”
Hadal kuu ka jeediyay kullanka Ururka Iskaashiga Islaamka ayuu ku sheegay in go’aanka Mareykanka uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israa’iil in uu yahay “waxba kama jiraan”. Erdogan ayaa markale Israa’iil ku dilmaamay “dalka argagixisada”.
Hoggaamiyaha Falastiiniyiinta, Maxamud Cabbas ayaa sheegay in “Mareykanka uu iska dhigay dal aan u qalmin in uu door ku yeesho geedi socodka nabadda”.
“Ma ahan in aan aqbalno in Mareykanka uu door ku yeesho geedi socodka nabadda. Waxay caddeeyeen in ay si buuxda ugu xaglinayaan dhanka Israa’iil,” ayuu ka sheegay shirka.
Magaalada Qudus waxay xuddun u tahay dagaalka ka dhex taagan Falastiin iyo Israa’iil. Magaalada waxaa ku yaalla goobo barakeysan oo ay aaminsan yihiin Muslimiinta, Masiixiyiinta iyo Yahuudda.
Israa’iil ayaa hadda maamusho dhammaan Qudus, horey waxaa u maamuli jirtay Urdun. Yahuudda ayaa qabsaday magaalada intii uu socday dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967-dii, waxayna u araktaa in ay tahay caasimaddeeda aan la kala qeybin karin.
Falastiiniyiinta waxay sheegayaan in bariga Qudus ay tahay caasimaddooda, balse waxay ahayd in looga xaajoodo kulamada keedi socodka nabadda.
Caalamka weli muusan aqoonsanin in Israa’iil ay u madaxbannaan tahay Qudus, dalalka oo dhanna waxay safaaradohooda ku yaallaan magaalada Tel Aviv.
Si kastaba, madaxweyne Donald Trump wuxuu ku dhawaaqay in Mareykanka uu safaaraddiisa u rari doono magaalada Qudus.