Madaxweynaha Turkiga Rajeb Dayyib Erdogan ayaa farriin toos ah u diray Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis isagoo u sheegay inuu xaliyo khilaafka kala dhaxeeya Dalka Qatar.
Erdogan oo goor dhoweyd ka hadlay shir ay lahaayeen xildhibaanada ka tirsan xisbigiisa, wuxuuna sheegay in xayiraadda lagu soo rogay Qatar aysan tahay mid ka horjeeda dadnimada iyo Islaamnimada.
Erdogan ayaa sheegay in dalka Qatar iy Turkiga ay la dagaalameen argagixisada, ayna tahay dal si weyn gacan uga geystay ka hortagga Daacish, wuxuuna meesha ka saaray eedeynta loo jeediyay Qatar, isagoo tilmaamay inay tahay been abuur.
“Boqorka Sacuudiga, isagoo ah hoggaamiyaha Khaliijka waa inuu xaliyaa khilaafkan, Waxaan si gaara uga filayaa inuu hoggaamiyo xalka xiisadda taagan” ayuu yiri Erdogan oo sheegay inaysan macquul ahayn ciqaab xayiraad ah in dal loogu soo rogo dalka Qatar.
Wakaalado