Madaxweynaha dib loo doortay ee dalak Turkiga Racep Dayip Erdogan oo khudbad ka jeediyay munaasabadii caleemo saarkiisa oo goor dhoweyd ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Ankara ayaa ka hadlay qorshihiisa mustaqbalka uu dalkiisa ku hoggaamin doono.
“Waxaan howsha ku bilaabayaa Bismillaahi, waxaana Alle ka baryaa inuusan igu ceebeyn shacabkeyga..” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Madaxweyne Erdogan, isagoo sheegay in danta guud ee Jamhuuriyadda Turkiga uu ka hormarin doono wixii ka soo haray oo dhan.
Wuxuu ballan qaaday in Turkiga ku socon doono dariiqa horumarinta iyo xoojinta dimoqraadiyadda, lana xoojin doono amniga, dhaqaalaha iyo maalgashiga, iyadoo dhinaca farsamada ciidamada sare loo qaadi doono iyo amniga xuduudaha Turkiga.
Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay inuu si isku mida ula dhaqmi doono muwaadiniinta Turkiga una wada shaqeyn doono kuwa doortay iyo kuwa aan dooranna u yahay madaxweyne.