Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay inuu dalka Doorasho aadayo wixii ka bilowda caawa 21 Febraayo 2020.
Isagoo khudbad ka jeedinayey xaflad loo sameeyay xeritaanka kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka ayuu sheegay in Sharciga Doorashooyinka Heer Federaal aanu ahayn sharcigii uu isagu keenay, balse ay soo diyaariyeen labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, isaguna uu hortooda ku saxiixayo sharciga.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa yiri: “Caawa laga bilaabo dalku wuxuu aaday Doorasho ee hala ogaado…” wuxuuna u yeeray guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka, Ra’iisal wasaaraha iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka si ay marqaati uga noqdaan saxiixa Sharciga Doorashooyinka ee Heer Federaal, isagoo xafladda ku saxiixay sharcigaasi.
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa akhriyey qoraalka saxiixa Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana lagu caddeeyay in Sharciga Doorashooyinka uu dhaqangal yahay marka lagu faafiyo faafinta rasmiga ah.
Doorashada ayuu sheegay Madaxweynaha inuu fulin doono Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo la-tashiyo la yeelan doono dhinacyada kala duwan iyo maamul Goboleedyada, isagoo ku baaqay in doorasho la isku diyaariyo.