Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»“Madaxweyne Farmaajo haddii uu diido Dhuusamareeb 4 waa in laga daba-geeyo saaxiibkiis Khayre” (Qormo)

    “Madaxweyne Farmaajo haddii uu diido Dhuusamareeb 4 waa in laga daba-geeyo saaxiibkiis Khayre” (Qormo)

    August 22, 2020Updated:August 22, 20203 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email


    Waxaa in mudo ah kolba madaxa derbi ku dhifanaayay Madaxweyne Farmajo, laakiin kama danbeystii tabartiisa siyaasadeed ayaa u run-sheegtay.

    Madaxweyne Farmajo wuxuu in mudo ah ku dheganaa:

    1. Doorashada 2020/2021-ka waxaa lagu xeerinayaa “Sharciga Doorashoyinka Qaranka ee Heer Federal”, ee Labada Gole-ogolaadeen 2/2/2020, isla-markaasna Madaxweyne Farmaja-na saxiixay 20/2/2020 kii.

    2. Iyo in doorashadu tahay “Hal-Qof-iyo-Hal-Cod”.

    Dhanka kale Madaxweyne Farmajo wuxuu diidanaa in aay dalka ka dhacdo “Doorasho la isla ogol-yahay xiligeedana ku dhacda”.

    Miraha Shirkii Dhusa-Mareeb 3:

    Sida ku cad “Heshiiska Dhusa-Mareeb 3” Madaxweyne Farmajo waa ka tanaasulay 2-dii qodob ee uu ku dheganaa sida ku cad “Heshiiska Dhusa-Mareeb 3”.

    Mara-ku dhegii ugu danbeeyay:
    Hase-yeeshee Madaxweyne Farmajo wuxuu si-indha la’aan ah ugu dhegan-yahay in Gudiga Madaxa-Banaan Ee Doorashoyinka Qaranku in uu hogaamiyo Doorashada 2020/2021-ka (fiiri Qodobka 13-aad).

    Sidaas oo kale waxaa Madaxweyne Farmajo ku dhegan-yahay in “Heshiiska Dhusa-Mareeb 3” in la geeyo Golaha Shacabka (fiiri Qodobka 12-aad) ee heshiiska.

    Su’aal (1): Hadiiba la tuuray ama dhinac la iska dhigay “Sharcigii Doorashooyinka Qaran ee Heer Federal” ee Madaxweyne Farmajo saxiixay 20/2/2020-kii, sharcigee ayeey Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashoyinka Qaranku ku maamulayaan Doorashada 2020/2021-ka?

    Su’aal (2):
    Ka hor inta aan heshiis-kaani Golaha Shacabka la-weydiin in aay aqbalaan: Horta Madaxweynuhu jawaab ma u-hayaa Golaha Shacabka hadii la weydiiyo: Mudane Madaxweyne aaway Sharcigii Doorashada ee Golaha Shacabku horay u ansaxiyay?

    Dhab ahaantii Madaxweyne Farmajo jawaab uma haayo 2-daas su’aalood.

    Sharci ahaanshaha in Gudiga Doorashada ee Madaxa Banaan in uu Doorashada 2020/2021-ka maamulo iyo ka qancinta Golaha Shacabka in Madaxweyne Farmajo joojiyay ku dhaqanka Sharcigii Doorashooyinka Qaranka.

    Culayska ka dhalan-doona labadaas arimood waxay horseedi-doonaan “Muran-siyaasadeed”, sababta oo ah horay ayuu Madaxweyne Farmajo Golaha Shacabka ugu balan-qaaday in aanu aqbali-doonin in talada lala-garab maro Golaha Shacabka…Sidaas oo kale Maamul-Goboleedyada xooga leh sida Puntland iyo Jubbaland iyo Madasha Xisbiyada Qaran ma aqbali-doonaan in Gudiga Madaxa-Banaan ee Doorashoyinka Qaranku maamulo Doorashooyinka 2020/ 2021-ka sababta oo Gudigu mahaysto sharci uu wax ku maamulo.

    Gebagebadii, Shirkii Dhusa-Mareeb 3″ wuxuu sababi-doonaa “guul-daro siyaasadeed” oo u soo hoyata Madaxweyne Farmajo iyo “muran-siyaasadeed”, oo saameeysa guud ahaan siyaasada Soomaaliya, gaar ahaan arimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka.

    XALKA
    Wadada (ama xalka) kaliya ee Madaxweyne Farmajo u furan waa:

    1. In uu si cad oo aan leex-leexad lahayn umadda Soomaaliyeed ugu sheego in uu aqbalay baaqii Maamul Goboleedyada, Madasha Xisbiyada Iyo Aqalka Sare ee ahaa in Dalka laga qabto “doorasho la-isla-ogolyahay isla markaasna ku dhacda waqtigeeda”.

    2. In Madaxweynuhu ku dhawaaqo ‘Shirka Dhusa-Mareeb 4″ isla markaasna horay usii sheego in wax lagu duldhisi-doono mirihii “Shirkii Dhusa-Mareeb 2”, isla markaasna meesha laga saaray wixii ka soo baxay “Shirkii Dhusa-Mareeb 3”.

    Wadadaas Alle haku hanuuniyo Madaxweyne Farmajo, hadiise uu-diido wadada saxda ah ee u furan Golaha Shacabka ee Soomaaliya waa in laga daba-geeyo saaxiibkiis Khayre, si dadka Soomaaliyeed looga badbaadiyo.

    Soomaaliya Midnimo: Aamiin
    W/Q: Dr. Hassan Sheikh
    Mogadishu, Somalia

    Farmaajo heshiiska Doorashada Qormo
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo Go’aan Wadajir ah kasoo saaray Heshiiskii Doorashada (Akhriso)
    Next Article Xisbiga C/raxmaan C/shakur oo dalbaday in Heshiiskii Doorashada lagu daro Faahfaahin ka maqan (Akhriso)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo