Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ahaayeen dad aan gumeysi ogoleyn oo halgan adag la soo galay gumeysiga laga soo bilaabo halgankii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.
Isagoo ka hadlayay munaasabadda sanadguurada 58-aad ee kasoo wareegatay maalintii Calan Soomaaliyeed laga taagay dhul xor ah oo Soomaaliyeed 1960-kii oo xalay lagu qabtay xarunta Gobolka Banaadir, ayuu sheegay 25-ka June Beerta xoriyadda ee magaalada Hargeysa laga taagay Calan xor ah oo Soomaaliyeed, iyadoo Xoriyadda lagu bixiyey dhiig iyo hanti.
“Wadaniyadu maaha inuu dalkiisa jecel yahay oo kaliya… waa inuu dalkiisa ceebta ka ilaaliyo .., inuu dalkiisa xannaaneysto…inuusan caddow keenin.. Wadaniyaddu maanta inaad sheegato oo kaliya…. Maanta waxay taagan tahay mabda’a dhabta ah oo loo baahan yahay inaan qaadano oo ah wadaniyad…. Waxaan hubaa Hal sano iyo bar ka hor wax Wadaniyad ka hadlaysa waa yaraayeen.., waa laga baqaayey wadaniyadda… Soomaaliya ha noolaato….. wadaniyadu waa waxa kaliya ee wadanku ku hormarayo oo aan uga adkeenayno qabyaaladda iyo daneysiga…” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyay xafladii Calan-saarka ee 26-ka June.