Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in caqabado waaweyn ay heystaan dowladda uu hoggaamiyo, wuxuuna faahfaahin ka bixiyey dhibaatooyinka soo wajahay.
Isagoo khudbad ka jeediyay shir magaalada Muqdisho uga furmay qaar ka mida Culimada ayuu sheegay caqabadaha heysta dowladiisa, isagoo yiri: “Dhibaatooyinka aan qabno waa dhaqan-xumo siyaasadeed oo aa la garaneyn qofkan siyaasiga ah waxa uu u yaqaano mucaaradnimada.. waxaa laga hadlayaa dowladda oo dhan in la bedelo, in loo tago beesha caalamka oo lagu dacweeyo taasi waa dumin ee ma aha mucaarad.. waana caqabadaha na heysta..” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo
Wuxuu sheegay inay dowladda heysato caqabad kale oo ah faragelin shisheeye oo cid waliba ay isku daydo inay saameyn nagu yeelato, dhexdoodana ay dirirsan yihiin oo mid waliba uu rabo saameyn u gaara, wuxuuna intaas ku daray in Alshabaab ay qeyb ka yihiin dhibaatada hortagaan dowladnimada.