Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Jawaari oo qabtay shir jaraa’id oo wadajir ah [Akhriso]

    Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Jawaari oo qabtay shir jaraa’id oo wadajir ah [Akhriso]

    April 10, 2018Updated:April 10, 20182 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Guddoomiyihii Baarlamaanka ee xilka iska casilay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa goor dhow si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabtay madaxtooyada Villa Soomaaliya.

    Guddoomiye Jawaari oo hadalka ku horeeyay ayaa sheegay inuu xilka ka degi doono maalinta berri, si uu amaanada dib ugu celiyo baarlamaanka, isagoo xusay in sababta uu hada u soo muuqday ay tahay inuu si rasmi ah u caddeeyo is casilaadiisa.

    Waxaa uu sheegay in wixii kaloo dheeraad ah uu maalinta berri ka hor-jeedin doono Baarlamaanka, isagoo u mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed, kana raalli geliyay wixii jiray ee jahwareerka ahaa.

    “Waxaan rabaa hor iyo horaan inaan mahad gaara u jeediyo Shacabka Soomaaliyeed, kana raali galiyo maalmahaan murugtii iyo walwal maalmahaan nasoo maray oo adkeysiga ay u yeesheen waxaana ku wargalinayaa inay arintaasi dhamaatay, waxaan aad u tixgaliyay talooyinkii badnaa ee iga soo gaarayay sidaas ayaana go’aan ugu gaaray in aan xil heyntii golaha shacabka Berito oo Arbaco ah inaan xilkaasi iyo amaanadaasi aan ku celiyo golaha shacabka oo ii dhiibtay”.

    Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyay go’aanka uu qaatay Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, isagoo sheegay inuu dalka wax badan u soo qabtay muddo 50-sano ah uu usoo dadaalayay.

    “Waxaan rabaa inaan u mahad celiyo Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo dalkaan wax badan usoo qabtay mudo 50-sano uu shaqeynayay, Mudane waa oday Soomaaliyeed waa khabiir dhanka Sharciga ah, go’aanka uu qaatay waa mid sharci wax shuruud ah oo ku xiran ma jiraan, waxaan ku dhiiri galinayaa inuu halkaasi kasii wado dadaalada uu ku bixiyay Dowladnimada Soomaaliyeed”.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa Xukuumadda Soomaaaliya iyo Baarlamaanka usoo jeediyay inay laba jibaaraan dadaalka ay wadaan maadaama ay horyaalaan howlo culus.

    “Xukuumadda waxaan farayaa inay dadaalka laba jibaarto maadaama ay horyaalaan howlo culus oo ay ka mid yihiin sugida amniga iyo horumarinta dhaqaalaha dalka, Baarlamaanka waxaan usoo jeedinayaa inay dardargaliyaan Hindise sharciyeedyada oo xukuumada ay usoo gudbisay oo ahmiyad weyn u leh dalka, waxaan kaloo aan ugu baaqayaa Baarlamaanka inay kor joogto ku sameeyaan Xukuumadda iyo laamaha amaanka, waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay la shaqeeyaan hay’addaha amaanka’’ ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

    Farmaajo Jawaari Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleHorjooge ka tirsan Alshabab oo isu dhiibay ciidamada dowladda ee Gobolka Bay
    Next Article Dowladda Imaaraadka oo War culus kasoo saartay Lacagtii lagu qabtay Muqdisho [Xiriirka labada dal oo meel xun gaaray-Akhriso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo