Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qeybgeli doona shir madaxeedka dalalka Islaamka ee Carabta ah iyo Islaamka ee magaalada Riyad ee Boqortooyada Sacuudiga ka furmi doona.
Farmaajo oo ka mida madaxda sida rasmiga ah loogu marti qaaday shirka kadib casuumaad uu u soo diray Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan ayaa sidoo kale qeyb ka ah madaxda 17 dal oo shir la yeelanaya madaxweynaha Donald Trump.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa socdaalkiisii ugu horeeyay ku tegaya Boqortooyada Sacuudiga isagoo ka qeyb galaya shirka oo 21-ka May ka furmaya magaalada Riyaad.
Socdaalka madaxweynaha Mareykanka ee Sacuudiga oo u qeybsan saddex qeybood oo kala ah: shir Mareykanka iyo Sacuudiga u gaara, shir Mareykanka iyo madaxda Khaliijka dhex mari doona iyo shirka ugu danbeeya oo madaxda carabta iyo Mareykanka ay yeelan doonaan.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu magaalada Riyaad ka jeedin doono khudbad ku saabsan islaamka iyo xiriirka Mareykanka.
Waa socdaalkii labaad ee madaxweyne Farmaajo ku tago dalka Sacuudiga muddo saddex bilood gudahood ah, waxaana la filayaa inuu Riyaad kula kulmo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Wadani.com