Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo qaar ka mida xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka ay buuq iyo fowdo ku fureen khudbadiisa ayaa dib u bilaabay khudbadiisa.
Madaxweyne Farmaajo oo khudbadiisa ay hakad geliyeen xildhibaanada labada Aqal qaar ka mida oo sitay Seeri, waxaana markii uu dib u bilaabay khudbadiisa uu ku eedeeyay laba xildhibaan inay qas ka abuureen oo ay afduubeen 329 xildhibaan, sida uu yiri.
“Halka qof ee Firimbiga heysta waa bixi karaa hadduu rabo” ayaa ka mida haa khudbadda Madaxweynaha kadib markii Baarlamaanku buuq ku furay intii ay socotay Khudbadda Madaxweynaha iyadoo mar kale sheegay in ixiraam loo baahan yahay, balse uu buuqu ku socday ilaa dhammaadkii khudbadda.
Inta ay khudbadda socoto ayaa waxaa barbar socda sacab iyo diidmo ay xildhibaannada ku kala qeybsan yihiin, iydoo qaarkood ay taageerayaan Madaxweynaha qaar kalena ay diidan yihiin.
Xaalada maanta ka dhacday furitaanka labada aqal ee Baarlamaanka waxay noqotay tii ugu horeysay ee Madaxweynaha lagu sameeyo buuq iyo fowdo looga horjeedo.


