Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa isku shaandheyn kooban ku sameeyay taliyeyaasha ciidamada Badda iyo Lugta ee xoogga dalka.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir laga qaadya xilkii Taliyaha Ciidamada Lugta ee Xoogga dalka iyadoo loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Badda, halka Sarreeye Guuto Cabaas Amiin Cali oo ahaa taliyihii ciidamada Badda loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Labada taliye ee xilka loo kala wareejiyey ayaa tallaabada madaxweynaha lagu sheegay inay tahay mid ka dhalatay rabitaanka Madaxweynaha iyo miisaanka awood qeybsiga beelaha ee 4.5. Xil ka qaadistan ayaa imaaneysa iyadoo taliye C/xamiid uu xilka hayey muddo 9 bilood ka yar, waxaana xilka loo magacaabay 10-kii Oktoobar 2019.
Taliyaha ciidamada lugta oo intii xilka uu ku magacawnaa si weyn uga dhex muuqday goobaha dagaalka, siiba gobolka Sh/hoose ayaa in ka yar sanad, haddana qabanaya xil cusub.
- Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Taliye ku xigeenka Milateriga & Taliyaha Ciidamada Lugta (Akhriso)
Madaxweyne Farmaajo ayaa tan iyo intii uu xilka yimid wuxuu isbedello joogto ah ku sameeyay taliyeyaasha ciidamada oo qaarkood aysan xilka heynin bilooyin kooban, taasoo dhaawacday dhismihii ciidamada.