Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa amar ku bixiyay baaritaan rasmi ah in lagu sameeyo weerarkii lagu qaaday Qoyska Xasan Cabdi Cawad.
Qoyska Xasan Cawad oo ah maamulka Shirkadda Dahabshiil ee Koonfurta Soomaaliya oo ay ka mid ahaayen caruurtiisa ayaa gaari ay la socdeen Dabley hubeysan ku rasaaseysay 15-kii Bishan agagarka Isbitaalka Digfeer ee Degmada Hodan. Weerarka waxaa lagu dilay 3 qof iyadoo 4 kale ay ku dhaawacmeen oo laba ka mida xaalkoodu liito.
Qasaaraha weerarka oo ahaa mid naxdin leh ayaa dowladda Soomaaliya lagu eedeeyay inaysan wax tallaabo ah ka qaadin, isla markaana ka hadlin, waxaana Caruurta iyo dadkii ku dhaawacmay shalay loo dhoofiyay dalka dibadiisa, iyadoo uu ay sagootiyeen Ra’iisalwasaare ku xigeenka iyo wasiirka gaashaandigga.
Ra’iisal Wasaare Ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuled ayaa sheegay in Madaxweynaha inuu si adag amar ugu bixiyay baaritaanka xasuuqa loo gaystay qoyskaasi. Dowladda Soomaaliya ayay muddo toddobaad ah ku qaadatay inay war kasoo saarto kiiskan.
Wadani