Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»Madaxweyne Farmaajo oo Balanqaadyo Dhaqaale kasoo helay Sacuudiga, Baaq degdeg ahna u diray Baarlamaanka [Akhriso]

    Madaxweyne Farmaajo oo Balanqaadyo Dhaqaale kasoo helay Sacuudiga, Baaq degdeg ahna u diray Baarlamaanka [Akhriso]

    February 25, 20172 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha  Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib booqasho rasmi ah oo uu ku tegay dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay boqor Salmaan Bin Cabdicasiis iyo labadiisa dhaxal suge isaga oo ka codsaday in ay dowladda Soomaaliya ka taageeraan dhinacyada horumarinta, kaabayaasha dhaqaalaha, qaadista xayiraadda ganacsiga xoolaha iyo gurmadka abaaraha.

    Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in dhammaan codsiyadii ay u bandhigeen dowladda Sacuudiga laga aqbalay,  isaga oo intaas raaciyay in Ra’iisal Wasaaraha magacaaban looga fadhiyo marka la ansixiyo kaddib inuu dhiso guddiyadii dhaqan gelin lahaa qodobada la isla meel dhigay.

    Qorshayaashii ay dowladda Soomaaliya hordhigtay Boqortooyada Sucuudiga waxaa ka mid ahaa:

    1- In la kabo Miisaaniyadda Dalka si loo bixiyo mushaaraadka ciidammada iyo shaqaalaha hay’adaha dowladda

    2- Dhismaha xarumo cusub oo ay hay’adaha Qaranku  ku shaqeeyaan, Garoon diyaaradeed oo cusub

    3- Dib u dhiska waddooyinka laamiyada ah ee isku xira magaalooyinka dalka

    4- iyo  Dib u howlgelinta safaaraddii Boqortooyada Sacuudiga ee magaalada Muqdisho.
    Madaxweyne Farmaajo ayaa si faahfaahsan uga hadlay shaqsiyadda Ra’iisul wasaaraha uu dhowaan magcaabay Mudane Xasan Cali Kheyre iyo waxyaabaha uu ku doortay.

    “Sidaad la socotaan, Ra’iisul wasaaraha aan magcaabay laba maalmood ka hor Xasan Cali Kheyre waa shaqsi leh aqoon maamul iyo mid bini’aadannimo,  isla markaana  ah ninka xilligaan la joogo ku habboon inaan wada shaqeynno, shacabka Soomaaliyeed uma baahna khilaaf ragaadiya madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, dadka Soomaaliyeedna waxaan u sheegayaa in aysan arrintaasi ka wel welin oo aan  afarta sanno ee soo socota aan wada dhammeysan doonno, waxaa ugu muhiimsan ee aan u doortay Xasan in uu yahay shaqsi aan aaminsanahay inuu  igula shaqeyn kara mabaadiideyda iyo ammaanada ummadda Soomaaliyeed, sidoo kalena aan ka wada qeyb-qaadan karno la dagaallanka musuq-maasuqa” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

    Madaxweynahaayaa ka codsadey Barlamaanka Federaalka ee labada aqal ah in ay si dhaqsi leh Kalsoonidooda u siiyaan Ra’iisul wasaaraha uu magcaabay, isla markaana ay dowladda cusub ee la  soo dhisi doono garab istaagaan,  si loo dardargeliyo howlaha adag  ee hor yaalla dowladda, madaxweynaha ayaa intaa raaciyey in dhowaan Barlamaanka la geyn dooni miisaaniyad aad ugu ballaaran kuwii horey loo arki jiray, maadaama ay dowladdu heysato ballan-qaadyo waaweyn oo wax badan ku soo kordhin karna miisaaniyadda dalka.

    Wadani.com

    Farmaajo Madaxweyne Farmaajo Sacuudiga Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweynaha Puntland oo agaasime cusub u magacaabay Madaxtooyadiisa kadib is casilaadii…
    Next Article Haweeney u dhaxda Sarkaal Itoobiyaan ah oo ka tirsan Alshabaab oo lagu qabtay Muqdisho [SAWIRRO]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo