Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa caaawa gaaray magaalada Abu dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta.
Socdaalka madaxweynaha ee Imaaraadka oo ku soo beegmay xilli xasaasi ah ayaa la sheegay inuu yahay mid rasmi ah oo oo kulamo uu la yeelan doono madaxda dalkaasi.
Wafdi hordhac ah oo uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha dibadda Yuusuf Garaad ayaa maalin kasii horeeyay madaxweynaha waxaana madaxda Imaaraadka Carabta ay dowladda cusub ee Soomaaliya u balan qaadeen taageero dhaqaale iyo deeq dhinaca abaaraha ah.
Socdaalkan ayaa noqonaya kii afraad intii uu xilka la wareegay madaxweyne Farmaajo uu dibadda ugu baxo.
SAWIRRO
Wadani.com