Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u safray dalka Uganda, isagoo halkaasi uga qeyb galaya shir ka dhacaya magaalada Kampala oo lagu casuumay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galaya shirka “Africa Now” oo looga hadlayo sanadkan 2019 horumarka iyo isku-xirka Afrika, waxaana shirka ka qeyb galaya qaar ka mida madada Afrika sida madaxweynaha K/Afrika, madaxweyne ku- xigeenka Kenya, Madaxweyne ku xigeenka Tanzania iyo madaxweynaha martida loo yahay ee Uganda.
Waa safarkii saddexaad ee Bishan Maarso gudaheeda ama laba toddobaad oo madaxweyne Farmaajo uu dalka uga dhoofo, isagoo horaantii bishan tegay dalalka Itoobiya iyo Eritrea.