Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan dhexdhexaadinayo la yeeshay madaxda maamulka Galmudug ee khilaafku ka dhaxeeyo.
Madaxda Galmudug oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ku-xigeenkiisa Maxamed Xaashi Cabdi (Carrabey) iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, iyadoo xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia uu kulan kula yeeshey Madaxweynaha Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in kulanka uu ahaa kii ugu horeeyay ee labada dhinac ay la yeeshaan Madaxweyne Farmaajo oo u yeeray isagoo ka dalbaday inay soo afjaraan khilaafkooda, waxaana labada dhinac uu madaxweynaha ka dalbaday inay ka ogolaadaan inay qaataan talada uu soo go’aamiyo si xal loogu helo khilaafka ka dhashay heshiiskii Galmudug iyo Ahlu suna.
Madaxweynaha Galmudug ayaa la sheegay inuu Madaxweyne Farmaajo u gudbiyey dacwad ka dhan ah xukuumadda Soomaaliya ee Xasan Cali Kheyre, isagoo ku eedeeyay inay ka dambeyso khilaafka cusub, ayna faragelin joogto ah ku heysto maamulkiisa.
Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa la filayaa inuu yimaado magaalada Muqdisho, inkastoo ay diideen Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxweyne kuxigeenka Galmudug inuu qeyb ka noqdo wadahadalka.