Wafdigii uu hoggaaminayey madaxweynaah Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maqribnimadii Caawa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.
Madaxweynaha Soomaaliya oo ay la socdeen Madaxweynaha Galmudug, Wasiiro, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale, waxaan si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Dhuusomareeb, waxaana mas’uuliyiinta soo dhoweysay horkacayay Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan.
Amaanka magaalada Dhuuso Mareeb ayaa siweyn loo adkeeyey, iyadoo amniga ay sugayaan ciidamo aad u farabadan oo isugu jira AMISOM, ciidamada Ahlu suna iyo ilaalada Madaxweynaha.
Madaxweyne Farmaajo ay barxada magaalada ku salaamay dadweyne fara badan, wuxuuna sheegay inuu dib kala hadli doono, iyadoo xilligu ahaa mid gaaban oo salaadii maqrib ay soo gashay. wuxuuna si weyn uga mahad celiyey soo dhoweynta diiran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa.