Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Madaxweyne Farmaajo oo dib u habeyn ballaaran ku sameeyay Hoggaanada Ciidamada Milateriga [ISKU SHAANDHEYN]

    Madaxweyne Farmaajo oo dib u habeyn ballaaran ku sameeyay Hoggaanada Ciidamada Milateriga [ISKU SHAANDHEYN]

    March 15, 20182 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo todobaadkan xafiis iyo hoyba ka dhigtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa wada dib u habeyntii ugu ballaarneyd ee lagu sameeyo hoggaannada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

    Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ayaa xaqiijiyey isku shaandheyn iyo dib u habeyn lagu sameeyay tirada hoggaamada Ciidanka Milatariga ah oo horay u ahayd 22, qaarkoodna aya ahaayeen kuwo is dul saaran, waxaana hadda lagu soo koobay 13 hogaan.

    Dib u habeynta madaxweyne Farmaajo ayaa meesha ka saartay 9 hoggaan oo la sheegay in ay dheeraad ku ahaayeen Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo la isku celceliyey shaqada hoggaanada saameynta isku lahayd, taasoo la filayo inay meesha ka saarto xaaladii ka dhex jiray Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga.

    Xogta ayaa sheegeysa in 10 ka mid ah hoggaanka cusub ee Ciidanka Xoogga laga soo xulay jiilkii dhexe ee Saraakiisha, halka dhammaan Taliye Ku Xigeennada laga dhigay dhallinyaro dhowaan ka soo qalin jabiyey kuliyadaha tababarka Ciidamada, waxaana rajo laga qabaa inay dhiig cusub geliso hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka.

    Sidoo kale, howlihii isku dhafka ciidanka ayaa socda, iyadoo todobaadkan uu Madaxweyne Farmaajo tababar u soo xiray 600 oo Askari oo ka tirsan ciidamada Birmadka, kuwaasoo laga soo xulay dhammaan Dowlad Goboleedyada Dalka.

    Ilo ku dhow Ciidanka Xoogga ayaa xaqiijiyey in qorshaha dib u habeynta loo daadajinayo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka heer Urur ilaa heer Unug, ka hor inta uusan Madaxweyne Farmaajo u guurin degmada Afgooye oo la filayo in uu ka hoggaamin doono howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Alshabaab.

    Taliyeyaasha Ciidanka ayaa la faray in ay si deg deg ah ugu soo kala shaandheeyaan ciidanka diiwaan gashan ee ku jira shaqada iyo kuwa ka shaqeya howlaha aan la xiriirin ciidanka si liiska ciidannimao looga saaro.

    Hannaanka bixinta mushaarka oo horey mad madoow badan uu ka jiray ayaa naloo xaqiijyey in xal u helistiisa meel wanaagsan ay mareeyso, iyadoona laga dhigay mid toos ah oo askariga mushaarkiisu ugu dhacayo koontadiisa xisaabeed, kaddib markii la soo gaba gabeeyo howlaha dib u habeynta diiwaan gelinta oo askari kasta loo diiwan gelin doono hab casri ah oo keydinaya xogtiisa sida calaamadaha suulka iyo indhaha.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa xoogga saaraya howlaha dib u habeynta Ciidanka Qalabka Sida, iyadoona uu garab weyn ka helayo Madaxda Dowlad Goboleedyada, dalalka IGAD iyo guud ahaan Beesha Caalamka.

    ciidamada Milateriga Farmaajo Isku shaandheynta ciidamada Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAKHRISO: Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo Laba cod u qaaday Xeerka Shirkadda DP World [11 xildhibaan oo soo jeedisay bedel…]
    Next Article AKHRISO: Qodobadii loogu hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo