Madaxweynaha Soomaaliya ayaa farriin digniin ah u diray kooxa Alshabaab ee dagaalka kula jirta dowladiisa isagoo kula taliyey inay ka waantoobaan falalka argagixiso iyo dhibaateynta shacabka.
Farriintii madaxweynaha ee maalinta ciidul fitriga waxaa inteeda badan uu diiradda ku saaray xaaladda amniga iyo kooxda Alshabaab, wuxuuna u mahadceliyey ciidamada Xasilinta sidii ay ugu dhabar adeygeen in Shacabka Soomaaliyeed ay ka difaacaan Kooxda Nabad diidka ah Alshabaab, sida uu yiri.
“Waxaan uga digayaa Qolooyinkaan argagixisada Nabad-diidka ah oo caadeystay inay daadiyaan dhiigga Shacabka Soomaaliyeed oo Islaamka ah, inay ka waan toobaan oo ay joojiyaan dhibka ay Shacabka ku hayaan.” ayuu farriintiisii ku yiri Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dowladda ay ka shaqeyneyso siddii ay ugu hortagi laheyd falalkaas argagixisinimada leh, ee loo yareyn lahaa dhibaatooyinka Shacabka Soomaaliyeed uga imaanaya Argagixisada.